Muscab

Authors And Writers, Somalia.

Category: Web

About MUSCAB

sababaha ku keena qofka inay muruqyadu xanuunaan.

xanuunka murqaha waa arrin iska caan ah wuxuuna ku dhacaa hal muruq iyo in ka badanba. Muruqyo xanuunku waxaa mararka qaar la socon kara margiya-xanuun,seedo-xanuun,lafa-xanuun iyo xanuun ku dhaca sooyada isku haya muruqyada iyo xubnaha la xidhiidhba.

Xalaadahaasi xanuunku waxa uu ku dhacaa murqayada, kaliya culys la saaray ama dhaawac soo gaadhay. Wuxuuna isla markiiba bilowdaa marka dhibkaasi dhaco, ama hawshu dhamaato, taasi oo sahlaysa in qofku ogaado waxa ku keenaya muruqya xanuunka, waxa kale oo calaamad u noqdaa dhibaatooyin kale oo idil ahaanba saameeya jidhka sida caabuqa.

Haddaba akhriste waxyaabaha ugu caansan ee keen muruqya xanuunka waxaa ka mid ah:

1:- dhaawac ama jug soo gaadha muruqa sida murkacashada ama culeys xad-dhaaf ah oo la saaro

2:- in adeegsiga muruqyada laga badiyo ama is dhakhso ah loo isticmaalo tasoo muruqu u adkaysan Karin

3:- kacsanaanta iyo wel-welka qofka

4:- qaadashada dawooyinka loo qaar sida daawooyinka loo yaqaano “ACE INHIBITORS” ee hoos loogu dhigo cadaadiska dhiiga. Daawooyinka “STATINS” ee lagu yareeyo oo dufanka kolistaroolka iyo daawada “cocaine” ee lagu yareeyo xanuunada. Dadku qaarkoodna qabitimaan

5:- carqalad ku timaada macdanta jidhka ku jirta sida soodyamka, bootaasyamka iyo kaalshiyamka

6:- cudurka “fibromyalgia” oo ku dhaca muruqyada iyo sooyada dunta ah ee loo yaqaano “fibrous”

7:- infakshannada oo ay ka mid yihiin: ifilada, malaariyada, muruq-malaxawga, dabeysha iyo gooryaanada qaar